
Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku dhimatay kadib markii nin hubeysan uu weerar ku qaaday Xarun ganacsi oo ku taala Magaalada Munich ee dalka Jarmalka.
Rasaas, ayaa waxaa laga maqlay xarunta ganacsiga ee Olympia Einkaufszentrum Magaalada Munich ee dalka Germany xilli ay ku sugnaayeen dad fara-badan oo ka dukaameysanaayay.
Waxaa soo baxaaya warar is khilaafsan oo ku aadan tirada dadka toogashada ka gaystay xaruntaasi. Wararka qaar waxay sheegayaan in nin hubeysan uu toogasho ka gaystay xaruntaasi, halka warar kalana ay sheegayaan in illaa saddex nin ay toogashadaasi ku lug leedahay.
Warbaahinta dalka Germal-ka ayaa baahisay in weerarka uu geystay nin heysta Dhalashada dalka Germany balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Iran.
Dalalka Yurub waxaa Mudooyinkii dambe kusoo badanayay dadka geysta weerarka toogashada ah weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Magaalada Nice ee dalka France waxa geystay nin heystay dhalashada dalka France asal ahaan kasoo jeeda Tunusia.


A big security operation is under way, German police say. The scene in the Moosach district has been sealed off.
Reports speak of one attacker. Helicopters are over the scene and shopworkers reportedly unable to leave.
The security forces have been on alert after a migrant stabbed five people on a train in Bavaria on Monday.
Picture: Universal News And Sport (Europe). 22/07/2016












