Dowladaha Soomaliya iyo Kenya oo kawada Hadlay Xiriirka Iskaashiga Ganacsi(Sawirrro)

0

Wasiirada arrimaha Dibada wadamada Soomaliya iyo kenya  Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, iyo Aamina Maxamed Jibriil ayaa kulan kuwada qaatay safaarada Soomaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,waxa looga hadlay sida ay dowladaha caalamku maalgashi ugu sameysan karaan Soomaaliya,iyadoo si gaar ah looga hadlay xiriirka iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu Horeyntii Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo kulanka ka  hadlay ayaa sheegay in Dowlada soomaliya ay diyaarisay waxyaabihii suurta galin lahaa in ay maalgashi ku dhiirradaan dowladaha Caalamka.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed Jibriil, ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan isla markaana ay ganacsatada labada dhinac u fududeynayaan inay maalgashi ku samaystaan labada waddan.

Kulanka ka dhacay Magaalada Nairobi  ee dalka Kenya waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Warshadaha Kenya, Wasiirka Ganagsiga Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka qorsheynta Soomaaliya iyo masuuiyiin kale oo ka socota labada dowladood.

NY1-630x420 NY2-630x420 NY3-630x420 NY4-630x420 NY7-630x420 NY8-630x420 NY9-681x454 NY10-630x420

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here