Wasiirada arrimaha Dibada wadamada Soomaliya iyo kenya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, iyo Aamina Maxamed Jibriil ayaa kulan kuwada qaatay safaarada Soomaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,waxa looga hadlay sida ay dowladaha caalamku maalgashi ugu sameysan karaan Soomaaliya,iyadoo si gaar ah looga hadlay xiriirka iskaashiga ganacsi ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ugu Horeyntii Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dowlada soomaliya ay diyaarisay waxyaabihii suurta galin lahaa in ay maalgashi ku dhiirradaan dowladaha Caalamka.
Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed Jibriil, ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan isla markaana ay ganacsatada labada dhinac u fududeynayaan inay maalgashi ku samaystaan labada waddan.
Kulanka ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Warshadaha Kenya, Wasiirka Ganagsiga Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka qorsheynta Soomaaliya iyo masuuiyiin kale oo ka socota labada dowladood.








