Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furmaya shir loogu Hadlaayo arimaha Maaliyadda waxaana shirka ka qeyb galaya qaar kamid ah wasiirada maaliyada Maamul Goboleedyada dalka Ka Jira iyo wasaarada Maaliyada dowlada sooamliya
Wasiirka Maaliyada dowlada soomaliya maxamed ibraahim fargeeti oo waraahinta la Hadlay ayaa sheegay in kulan maanta ka Furmaya Magaalada Muqdisho inta badan diirada lagu saari doono arimaha Maaliyada iyo sidii dowlada soomaliya ay iskaaga bixin laheyd deemo badan oo lagu leeyahay xiligaan.
dhanka kale Wasiirka Maaliyada maamulka Puntland Axmed Yaasiin oo warbaahinta La Hadlay ayaa sheegay in kulanka ay kusoo Bandhigi doonaan Hormarka dhanka Maaliyada ay gaaartay wasaarada Maaliyada Maamul Goboleedka Puntland sanadihii dambe.
Kulanka ayaa socon doona Mudo Labo Maalin ah inta badan waxaa diirada Lagu saari doonaa arimaha Maaliyada waxaana ka qeyb gali doono wasiirada Maaliyada Maamul Goboleedyada dalka xiligaan ka jira

