Dowlada Tanzania ayaa sheegtay in ay sii bateen dhalinyarada u dhalatay dalka Tanzani ee ka garab dagaalanta Xarakkada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowlada soomaliya iyo Ciidamada Amisom.
Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Tanzania Dr; Augustine Mahiga, oo ka hadlay shirkii Todobaadkaan Lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada KIGALI ee dalka Rwanda ayaa sheegay in ay sii kordheen dhalinyarada u dhalatay Tanzania ee ka garab dagaalanta Xarakada Al-shabaab.
Dr; Augustine Mahiga Wasiirka arrimaha Dibada Tanzania ayaa hadalkiisa ku daray qaar kamid ah dhalinyaradaan ay ku dhinteen dagaalo ay la galeen Ciidamada Dowlada Federaalka soomaliya, Ciidamada Midowga afrika ee Amisom.
Dr;Mahiga Wasiirka arrimaha Dibada Tanznia ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Tanzaniya ay ku jiraan heegan buuxa, si ay uga hortagaan Dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab ee u dhalatay Dalkiisa inay falal amni darro ah sameeyaan.
Shir Madaxadeedkii lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Kigali ee dalka Rwanda Golaha amniga iyo Nabad gelyada Midowga Afrika waxa uu ku dhawaaqay kulan loogu hadlaayo la dagaalanka Aragagaxisada in lagu qaban doono Dalka Mauritania.

