Wasiirka Gaashandhiga Xukumada soomaailiya C/qaadir Shiiq Cali Diini oo lahadlay warbahinta ayaa sheegay in xxukumada soomaaliya oo dooneysay in ay so iibsato maraakiib dagaal oo ciidamda badda soomaaliya ay ku difaaci lahaayeen cadawga kaga yimaada dhanka badda ay fashilmeen.
Waxa uu sheegay Wasiir Diini in uu jirey heshiis maraakiibtaasi ay kusoo iibsan laheyd Dowladda soomaaliya oo ay lasoo gashay dowlado kale hasa yeeshee aynan suuragalin balse waqtigii loogu talagalay in lasoo iibiyo maraakibtaasi dagaalka dib u dhacay sida uu hadalka u dhigay Wasiirku.
Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa hadalkiisa ku daray in dowlada soomaliya ay sameysay isku dayo lagu soo gaba-gabeyn lahaa heshiiska lagu soo iibsanaayo Maraakiibta dagaalka balse ay fashilmeen haatan.

