Dhageyso:-MD Xasan Sheekh”Burcad-badeednimadu Ma ahan dhaqan lagu yaqaannay Ummadda Soomaaliyeed”.

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Mxamuud ayaa ka hadlay arimaha la xariira falalka Burcad badeednimada ee dalka ka jira iyo waliba dhallinta ku howllan howshaan.

Madaxweynuhu waxaa uu caddeeyey In falkaan uusan ahayn fal ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay farac u leeyihiin islamarkaana aan looga baran,balse muddooyinkii dambe ay dhallinyara soomaaliyeed ay ku biireen falalka Burcad-bdeednimada ah oo uu sheegay in ay sabab u yihiin duruufo ka jira dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaalidu Muddo ay dagganayd Qaaradda Afrika islamarkaana aysan horay  u dhicin in Soomaalida loo diiwaangaliyo in ay ahaayeen dad ku shaqeysta Burcadnimo balse waayihii dambe shaqa la’aanta dalka ka jirta ay sabab u noqotay in dhallinyaro hami sare lahaa oo xitaa qaarkood jaamacado ka baxay ay galaan Burcadda badaha Soomaaliya.

“Waa in la dhawraa Sumcadda Qaranka si aanan u noqon dad caalamku ka cararo oo dad xun loo aqoonsado,Waligeyna maanan maqlin taariiq dhigaysa in Soomaaliya ay ku noolaayeen dad burcad badeed ah,laakiinse sannadihii ugu dambeeyey ayey si xawli ah dalkeenna uga hana qaaday falkaan” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Muddo ka badan dhawr iyo labaatan sano oo dalka Soomaaliya ay ka jireen dagaallo sokeeye iyo qas ayaa waxaa lumay kontoroolkii dalka oo dhan waxaana dalka ka dillaacay Kooxo Burcad badeed ah oo iyagu sheegay in ay xeebaha dalkeenna ka difaacayaan awoodo shisheeye oo kusoo xadgudbay dalka lana baxaya qeyraadka ku jira,waxaana wixii intaa kadambeeyey ay qabsadeen Maraakiib iyo doomo ganacsi iyo kuwa kalaba isugu jira kuwaasi oo marayey xeebaha Soomaaliya iyo badweynta Hindia kuwaasi oo ay k qaataan lacago madaxfurasho ah oo aad u farabadan.

Halkaan ka dhageyso Codka Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here