Gudoomiyaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka Magaalada Muqdisho oo La Xirey

0

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Dowlada soomaliya ayaa galabta galinkii dambe  Albaabada isugu laabay Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Magaalada Muqdisho.

Xarunta oo ku taala Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan ayaa la sheegay in ay  gaareen  Ciidamo aad u hubeysan oo ka Tirsan kuwa Nabad sugida Dowlada soomaliya waxayna xarunta sidoo kale ka kaxeysteen lix nin, oo xarunta ku sugneed.

Xubnaha la xiray,  ee xarunta ku sugnaaa ayaa waxaa ku jira Gudoomiyaha Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Magaalada Muqdisho, C/wahaab Cali Muumin.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhanka Hay’adaha  amniga Dowlada soomaliya oo loogu hadlaayo xarintaan Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here