Ciidamada Maamulka Somali-land oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa maanta Gudaha u galay Magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool oo ah bar kontarool oo laga hubiyo badeecooyinka iyo dadka Puntland kasoo galaya dhanka Soomaaliland.
Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Somaali-land ay gudaha u galeen Magaalada Tukaraq, waxaana la ogayn ujeedka xiligaan ay u gaareen , iyadoona arintaan ay kusoo beegmatay xili xiisad Somaali-land iyo Puntland u dhaxaysa ay ka taagan tahay Gobolada Sanaag iyo Hayland.
Magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland u jirta 81KM, waxaana ilaa haatan aan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Puntland oo loogu hadlaayo arintaan.
Maalmihii dambe waxaa laga dareemayay Gobolka sanaag xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulada Somali-land iyo Puntland.

