War Deg Deg:-Ciidamada Somali-land oo Gudaha u Galay Magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool

0

Ciidamada Maamulka Somali-land oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa maanta Gudaha u galay Magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool oo ah  bar kontarool oo laga hubiyo badeecooyinka iyo dadka Puntland kasoo galaya dhanka Soomaaliland.

Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Somaali-land ay gudaha u galeen Magaalada Tukaraq, waxaana la ogayn ujeedka xiligaan ay u gaareen , iyadoona arintaan ay kusoo beegmatay  xili xiisad Somaali-land iyo Puntland u dhaxaysa ay ka taagan tahay  Gobolada Sanaag iyo Hayland.

Magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool  ayaa Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland  u jirta 81KM, waxaana ilaa haatan aan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Puntland oo loogu hadlaayo arintaan.

Maalmihii dambe waxaa laga dareemayay Gobolka sanaag xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulada Somali-land iyo Puntland.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here