Taliska Amisom ee Soomaliya oo ka Hadlay Diyaaradii dhawaan kusoo dhacday Qeybo kamid ah Degmada Afgooye

0

Taliska Amisom ee soomaliya ayaa beeniyay wararka ku aadan in Mas’uuliyiin Amisom ka Tirsaneed  ay saarnaayeen Diyaaradii dhawaan kusoo dhacday qeybo kamid ah degmada afgooye ee  Gobolka shabeelaha Hoose

Bartooda Twiterka ayay Amisom ku beeniyeen in Mas’uuliyiin Amisom ka Tirsaneed  ay saarnaayeen diyaaradii dhawaan kusoo dhacday qeybo kamid ah degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose waxayna sidoo kale iska Fogeeyeen in dalka Uganda laga lahaa diyaarada  soo dhacday

Sidoo kale Taliska amisom ee soomaliya ayaa sidoo kale beeniyay in diyaarada ay qalabyo Malatari  u waday ciidamada Midowga Africa ee amisom ee soomaliya ku sugan

Hadalka amisom kasoo yeeray ayaa imaanaya xili Todobaadkii aynu soo dhaafnay qeybo kamid ah degmada afgooye ay kusoo dhacday diyaarad ku xamuulka qaada  waxaana markii dambe la ogaaday in diyaarada laga leeyahay wadanka Kenya

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here