Borussia Dortmund oo Dib Usoo Ceshatay Xidiga  Mario Gotze

0

Kooxda Borussia Dortmund ee Horyaalka dalka Germany ayaa ku dhawaaqday in ay dib usoo ceshatay xidiga Mario Gotze kaasi oo kaga yimid kooxda Beyer Munich.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Germany oo xulkiisa u dhaliyay goolkii guusha koobkii aduunka ay kaga guuleysteen xulka argentine sanadkii 2014-kii ayaa haatan la cadeeyay in uu dib ugu laabtay kooxdiisa Hore  isagoo kamid noqon doona xidigaha uu lasoo shartagaayo macalin Thomas Tuchel’.

Gotze  ayaa Borussia Dortmund  ka dhaqaaqay sanadkii 2013-kii wuxuu u dhaliyay 31-Goal 116-kulan uu kasoo muuqday tan  iyo sanadkii 2008-dii.

Qaar kamid ah Taageerayaasha kooxda Borussia Dortmund ayaan la dhacsaneen heshiiska xidigaan balse maamulka ayaa ku dhawaqay in uu ku yimid heshiis afar sano.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here