Muqdisho, July 21. 2016…..Ra’iisul Wasaaraha X. F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Aadam ku-xigeenkii Xog-hayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo maanta ku geeriyooday Magaalada Nairobi.
Ra’iisul Wasaaraha oo ku hadlaya magaciisa , kan Xukuumadda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa Taci u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum Maxamed Yuusuf.
“Innaa Lillahi wa inaa Ileyhi raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo kaygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada geerida marxuum Maxamed Yuusuf Aadam la wadaagaya qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Ilaahayna ha ka abaal mariyo wanaaggii iyo shaqadii uu qaranka u soo qabtey’’, ayuu yiri R/Wasaare Cumar.
Sidoo kale, waxaan Tacsi u direy Ehellada Marxuum Maxamed Yuusuf Adam (M Khayr), Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ku xigeenada Xog-hayaha, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo dhammaan shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Innaa lillaahi wa innaa Ilaahi raajicuun

