Warbixin ay soo saartay Hay’adda Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ciidanka Dowladda Kenya ay dhibaatooyinka aan loo meel dayin ay u geysteen dadka Somali Kenyaan-ka ah ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Hay’adda Human Rights Watch iyo sidoo kale hay’ado kale ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegay in ciidanka dowladda Kenya ay dil iyo jirdil aan xad laheyn ay u geysteen dadka Soomaali Kenyanka ah ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku cadeysay in Ciidamada Kenya ay dhibaatooyin u geysteen dad kor u dhaafaya 100-ruux kadib markii ay Howlgalo ka sameenayaan Gobolka Woqooyi Bari kaasi oo lagu baadi goobayay Al-shabaab.
Siyaasiinta iyo sidoo kale waxgaradka gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa qiray in ay jirto dhibaatada lagu eedeeyay in ciidanka dowladda Kenya,islamarkaana marka ay dhacaan weerar ay geystaan Al-Shabaab ay ciidanka dowladda Kenya u laayeen dadka ah si arxan daro ah.
Dowlada Kenya wali kama aysan hadlin eedeynta kaga Timid Hay’adda Human Rights Watch oo u dhaqdhaaqa dhanka xaquuqda aadanaha.

