Maamulka Somali-land oo Sheegay in uusan Deeganadiisa ka Saari Doonin Hay’ada Turky-ga

0

Maamulka Somali-land ayaa sheegay in uusan soo saari doonin amar ku aadan in deeganada Maamulkaas ay isaga baxaan Hay’adaha dalka Turky-ga xili dowlada Soomaliya ay soo saartay amar ku saabsan in Hay’adaha dalka Turky-ga ay Muddo Todobaaad ah Gudaha dalka kaga baxaan kadib markii dowlada Turky-ga ay  sheegtay in Hay’adaas ay wax ka leeyihiin Madaxdii soo abaabusha afgambigii dhicisoobay.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay sharci ku joogaan hay’adahaasi Somaliland wuxuuna sheegay inay dalka ka saari  karaan oo keliya haddii ay sharciga Somaliland jebiyaan Hay’ada dalka Turky-ga.

“Arrinkaas waxaan kasoo saarnay Warsaxaafadeed, Maamulka Somali-land waxa uu cambaareynayaa afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turky-ga, aniga kama hadlaayo arrimaha Somaliya , Somali-land Hay’adaha dalka turkey-ga waxa ay ku joogaan sharci hadii ay jabiyaan waa arrin kale ayuu yiri”, Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo la weydiiyay su’aal ku aadaneed hadii Hay’adaha Turky-ga ee ka Howlgala deeganada Maamulka Somali-land ay lug  ku laahaadaan Madaxdii soo abaabusha afgambigii dhicisoobay waxa ay ka yeelayaan.

Waxa uu Tilmaaamay in Talaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan ka Maamul ahaan markaas balse ay haatan jirin cid kala hadashay arrimaha Hay’adaha  dalka turkey-ga ee ka Howlga deeganada Maamulka Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here