Maxamed Xaashi Carabey :-“Madaxweynaha Galmudug Xaaladiisa Way Wanaagsan Tahay Waxa uu Galay Qaliin Lagu Guuleystay”+Dhageyso

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Gaalkacyo  ee Gobolka Mudug ayaa ka hadlay xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo xaalado Caafimaad u joogo Magaalada Dalhi ee dalka Hindia.

Maxamed Xaashi Carabey ayaa  sheegay in  Madaxweynaha ay xaaladiisa Caafimaad  tahay mid aad u wanaagsan islamarkaana uu Magaalada dalhi ee dalka Hindiya u joogo xaalado Caafimaad maalmaha soo socda uu dib ugu soo Laaban doono dalka.

“Madaxweynaha sida aad la socotaan waxa uu marki hore u baxay Cumro kadib dalka Hindiya ayuu u tagay xaalado Caafimaad waxa uu galay Qaliin lagu guuleystay, dad reer Galmudug waxaan u sheegayaa in xaalada Madaxweynaha ay Tahay mid aad u wanaagsan aysan jirin waxa dhibaato ah oo xiligaan haysata madaxweynaha ayuu yiri”, Maxamed Xaashi Carabey.

Shirkiisa Jaraaid ayuu sidoo kale ugu Hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey Xaaladaha Amniga, Dib u heshiisiista, iyo dhismaha Dekadda Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here