Gudiga Ka Hortagga Fatahaadaha ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Ku Baaqay in Wax loo qabto Dad ku hanti beelay Fatahaad uu Sameeyey Wabiga Shabeelle.

0

Gudoomiyaha gudiga ka hortagga fatahaadaha ee gobolka shabeelaha dhexe cabdiraxmaan sheekh Calas oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in deegaanka Xawaadleey oo ka tirsan Gobolka shabeelaha dhexe wabigu uu ka geystay fatahaad baaxad leh.

Guud ahaan Beerihihii deegaankaasi ku yaalay ayuu sheegay in biyha wabigu ay qaadeen masuuliyiinta maamulka gobolka shabeelaha dhexe iyo waliba gudiga ka hortagga fatahaadaha ayuu sheegay inay waddaan hadda sidii loogu gurman lahaa dadka ay musiibadu ku dhacday

Waxaa uu sheegay in Madxda dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Gargaarku aysan ka qeybqaadanin samatabixinta dadka waxyeeladu ay kasoo gaartay fatahaadda wabiga shabeelle uu ka geeystay deegaanadaasi.

isagoo sii hadlaya ayuu ugu baaqay madaxda dowladda inay arintaan gacan ka geystaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here