Meydadka dad ku geeriyooday dagaallo ka dhacay galgaduud oo maanta la aasay.

0

Wararka laga helaayo Deegaanka Ceel Caduur oo ka mida Deegaanada hoosyimaada Gobolka Galgaduud ayaa kusoo waramaya in maanta halkaasi lagu aasay dad kor u dhaafaya 11 ruux oo sida la sheegay u badan Haween iyo caruur ku geeriyooday dagaallo beeleedyo ka dhacay bariga gobolkaasi.

Waxaa lagusoo Waramaya in meydadka maalmahaan dambe laga baadigoobayey deegaanada ay dagaaladu kasocdeen dadka la aasay ayaa waxaa ku jira Haween da’a iyo caruur aad u da’yar waxaana maanta lagu aasay deegaanka ay dagaaladu ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug oo wax kasoo qaaday dadka maydka ah ayaa sheegay in wali ay jiraan dd kale oo la la’yahay baadigoobkooduna socdo xaaladda deegaanada dirirtu ay ka dhacday ayaa la sheegayaa in maant xaalku dagganyahay.

Horay dhawr mar waxaa jiray baaq ku aaddan joojinta dagaaladaasi oo ay dirayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo madaxda Dowladda iyo Maamulad ka jira deegaanadaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here