Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowlada Soomaliya, Amisom iyo Al-Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Awdiinle oo hoos yimaada Magaalada Baydhaba ee Gobalka Baay ayaa la xaqiijiyay In dagaalkaas ay ku dhinteen 14 Qof oo isugu jira Odayaal Dhaqameed iyo dad shacab ah, kuwaas oo maanta lagu aasay isla deegaanka.
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanka Awdiinle oo hoos yimaada Magalada Baydhaba ee Gobalka Baay oo ay wehliyaan Wasiirka Hubkadhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka ee Koofur-galbeed Xasan Xuseen, Iyo Malaaq Malaboow oo ah Ugaaska Deegaanka, ayaa maanta waxa ay kormeer ku tageen deegaanka uu dagaalka ka dhacay waxayna u kuur galeen qasaaraha soo gaaray shacabka.
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow Ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in ay dhinteen 14 Qof oo isugu jira Odayaal Dhaqameed iyo dad shacab ah, kadib markii Ciidamada Amisom, Ciidamada dowlada soomaliya iyo Ciidamo ka Tirsan Al-shabaab ay ku dagaalameen deegaanka.
“in aan dadka deegaanka iyo AMISOM soo xog wareysano ayaan saakay u baxnay, Meesha Waxaa ka dhacay xaafad ay kulan Duco ah ku lahaayeen dadka deegaanka ayaa Ciidamada looga soo sheegay in ay joogaan koox ka tirsan Al-shabaab, markii ay ciidamada tageen ayay kasoo waayeen waxii loo sheegay, dadka ayaa ka baqay in ay sheegaan maleeshiyaadka ku dhex dhuumanayay deegaanka, mid kamid ah maleeshiyaadka al-shabaab ayaa billaabay Xabad, wuxuuna dilay mid kamid ah ciidamadii AMISOM ee goobta ku sugnaa, halkaas ayaa dagaal ka billaawday waxa ay sababtay dhimashada 14 ruux oo ay kamid yihiin Odayaal dhaqameed ku sugnaa goobta” ayuu yiri Ibraahin Yarow.











