Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Somali-land ay afduub cad u geysatay Xidhibaan Maxamed Faarax Aadan (Canjeex) oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Puntland.
Wasiir Soo cadde oo la Hadlay BBC-da Laanteeda afka soomaliga ayaa sheegay in in shirqool loo dhigay xidlhibaanka isagoo gurigiisa jooga ayna ka dambeeyeen kuwo ay isku deegaan yihiin oo Soomaaliland u shaqeeya waa siduu hadalka uu dhigee wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland.
Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo ka hadlay dagaalka ayaa tilmaamay In uusan jirin qasaaro sidaas u weyn oo so gaaray ciidmada Puntland marka laga reebo afduubka loo geysto xildhibaanka wuxuu Maamulka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ku eedeeyay in uu dib usoo celinaayo dagaal mar kale ka dhaca deegaanada Gobolka Sanaag.
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dagaalkii ay maanta Puntland kula galeen deegaanka Boodda Cad oo 40km u jirta Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ay ku qabteen Xildhibaan Baarlamaanka Puntland ka tirsan.

