Baarlamanka Maamulka Puntland ayaa ku wargaliyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay in uu xidhibaanada Horyimaado Maalinta bari oo Taariikhda ay ku beegan Tahay 19-ka si wax loogu weydiiyo arrimaha Puntand iyo xiisada ka taagan Gobolka Sanaag.
Xildhibaanada Puntland oo ku guda jira Kalfadhigoodii 37-aad ayaa maanta diiradda saaray dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Haylaan kaasoo ka dhashay dhaq-dhaqaaqyo maamulka Somaliland ka bilaabay oo ku aadan diiwaangalinta codbixayaasha doorashadooda dhacaysa 2017.
Waxaa arrintaasi Barlamanku u saareen Guddi ka kooban Lix xubnood, waxaana loo xilsaaray lasocodka howlaha amniga iyo qaabkii xukuumaddu wax uga qaban lahayd arrintaasi.
Barlamanka ayaa markii hore qorshahoodu ahaa inay u yeeraan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, balse waxay ugu cudur-daareen xaaladda gobolkaasi iyo howlaha madaxweynuhu ku mashquulsanyahay oo ay kamid tahay dhismaha golaha deeganka degmadaasi.

