Ciidamada Dowlada, Amisom Iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Deegaanka Wardiile ee Gobolka Baay

0

Ciidamada Dowlada Soomaliya oo garab Malatari ka helaya Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Ethopia  iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Wardiile oo hostagga Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Wardiile oo hostagga Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa jira qasaaro soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay.

Dhanka kale saraakiil ka Tirsan Dowlada Soomaliya  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka al-shabaab loogu dilay ciidamo badan islamarkaana ay ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia ay wali ku sugan yihiin deegaanka Wardiile oo hostagga Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ma Jiro wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo loogu hadlaayo dagaalka ka  dhacay deegaanka Wardiile oo hostagga Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here