Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Universal Tv la hadlay ayaa ka warbixiyay waxa uu maamulka Gobolka Banaadir ka ogyahay xirnaanshaha wadada Tarbuunka ilaa Isgoyska KM4 ee hormarta safaarada Dalka Qatar ee Magaalada Muqdisho.
Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Banaadir uu hada ka hor isku dayay in uu furo wadadaas balse wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumada Soomaliya ay kusoo wargalisay in lagu wareejiyay Guri halkaas ku yaala safaarada Dowlada Qatar ee soomaliya kadib markii ay ka guurtay safaarada Turky-gaee Soomaliya.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumada Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ee ku aadanaa in wadooyinka Muqdisho laga joojinta doono isticmaalka Mooto Bajaajka.
Gudoomiye Madaale ayaa Tilmaamay in Mas’uul walba uu fikir leeyahay balse uusan aheyn hadalkaas go’aan kasoo baxay Golaha wasiirada oo lagu joojinaayo isticmaalka Mooto Bajaajka Gudaha Magaalada Muqdisho.

