Madaxweynaha Turky-ga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka qeyb galay aas loo sameeyay dadkii ku dhintay afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turky-ga Todobaadkaan Gudihiisa.
Madaxweynaha Turky-ga, Recep Tayyip Erdogan, iyo madaxda dalka Turky-ga ayaa ka qaybgalay Salaaddii Janaasada oo dadkaasi loogu sameeyay Masaajidka Fatih, iyagoo sidoo kalana ka qaybgalay aaskooda.
Madaxweynaha Turky-ga, Recep Tayyip Erdogan oo dadka kula hadlaayay Masaajidkan, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadka muwaadiniinta ee u dhintay ka hortaga afgamiga dhicisoobay waxaana uu tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen.
Madaxweyne Erdogan ayaa la ilmeeyay geerida ganacsade saaxiibkiis ahaa oo lagu dilay Istanbul kaasi oo lagu magacaabi Erol Olcak.















