Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo Maanta Loogu Hadlaayo Doorashada Hoggaanka iyo La Dagaalanka Argagaxisada+Sawirro

0

Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo sannadkan ka dhacaya magaalada Kigali ee dalka Jamhuuriyadda Rwanda oo shalay si rasmi ah u furmay ayaa maanta waxaa loogu hadli doonaa isla meel dhigista miisaaniyadda Midowga Afrika oo la doonayo in qaaradda isaga filnaato, doorashada hoggaanka cusub ee Guddiga Sare ee Midowga Afrika, xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan iyo arrimo kale.

Furitaanka rasmiga ee shirkan ka hor, waxaa madaxda Qaarada Afrika  ay yeesheen shir albaabada ay u xiran yihiin oo lagu lafa guray umuuro badan oo la xiriira horumarka qaaradda Afrika.

Shir Madaxeedka sannadkan waxaa barbar socday shir ay isugu yimaadeen madaxda Urur Goboleedka IGAD, oo ka dooday colaadda Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, waxaana laga soo saaray baaq lagu dalbanayo xabbad joojin waarta, in Qaramada Midoobay ay kordhiso, isla markaana xoojiso awoodda ciidanka nabad ilaalinta ee dalkaasi jooga iyo in hannaanka siyaasadda uu noqdo kan lagu xallinayo mashaakilaadka dalkaasi ka taagan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweyneyaasha dalalka Jamhuuriyadda Suudaan, Cumar al Bashiir, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, General Cabdulcasiis Al Sisi, Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru M. Kenyatta.

Kulamadaasi ayaa waxaa looga hadley xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalkaasi.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here