Raisulwasaaraha Soomaliya oo Tababar Usoo Xirey Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Kumaan-dooska Soomaaliya

0

Raisulwasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta  tababar ugu soo xiray magaalada Muqdisho, cutubyo katirsan ciidanka Kumaan-dooska Soomaaliya, gaar ahaana guutada Danab.

Tababarkan ayaa mudo uga socday ciidanka, waxaana bixinayey tababarka inta uu socday Imaaraadka Carabta, iyadoo cutubyada kamid noqonaya Kumaan-dooska ay u diyaarsan yihiin difaacida dalka, iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

Raisulwasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ciidamada ugu Hambalyeeyay qaabka ay u dhameysteen Tababarka Ciidan isagoo ugu baaqay in ay dalka ka difaacaan Waxa uu ugu yeeray Cadowga  Soomaliyeed.

Ciidanka Kumaan-dooska Soomaaliya, gaar ahaana guutada Danab, ayaa Kamid ah Ciidamada  dowlada Soomaliya tan iyo markii la qalabeeyay waxa ay  fuliyeen weeraro lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamada Al-shabaab oo ku yaala Gobolada dalka Soomaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here