Raisulwasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta tababar ugu soo xiray magaalada Muqdisho, cutubyo katirsan ciidanka Kumaan-dooska Soomaaliya, gaar ahaana guutada Danab.
Tababarkan ayaa mudo uga socday ciidanka, waxaana bixinayey tababarka inta uu socday Imaaraadka Carabta, iyadoo cutubyada kamid noqonaya Kumaan-dooska ay u diyaarsan yihiin difaacida dalka, iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.
Raisulwasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ciidamada ugu Hambalyeeyay qaabka ay u dhameysteen Tababarka Ciidan isagoo ugu baaqay in ay dalka ka difaacaan Waxa uu ugu yeeray Cadowga Soomaliyeed.
Ciidanka Kumaan-dooska Soomaaliya, gaar ahaana guutada Danab, ayaa Kamid ah Ciidamada dowlada Soomaliya tan iyo markii la qalabeeyay waxa ay fuliyeen weeraro lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamada Al-shabaab oo ku yaala Gobolada dalka Soomaliya.

