Soomaliya oo Samaysanaysa Maraakiib Ilaalisa Xeebaha Dalka(Daawo Sawiradda)

0

Dowlada Soomaliya ayaa burburkii dalka ka dhacay kadib samaysanaysa maraakiib ilaalisa Xeebaha Dalka iyadoo hada  ay socoto Samaynta tiradii ugu horaysay oo gaaraysa ilaa lix markab oo ah kuwa loogu tala Galay ilaalada Xeebaha.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr Ali Sa”id Faqi  oo kormeer ku tagay goobta ay ka socoto  diyaarinta Maraakiibta ayaa sheegay in soomaliya ay Guul taariikhi ay u tahay in sanado kadib ay sameesato maraakiib loogu talagalay ilaalinta xeebaha dalka soomaliya, oo haatan aan laheyn ciidamo tayo wanaagsan oo ka qeyb qaata ilaalinta Biyaha Soomaliya.

Dr Ali Sa”id Faqi  ayaa waxaa uu sheegay in Hadii lagu guuleysto Sameynta Marakiibtaan oo hada howsheeda ay socoto in ay amaanka xeebaha wax ka qaban dooonaan sida burcadbadeedka Argigixisada kuwa hubka sharcidarada Soogalinaya Dalka iyo waliba ku wa kaluumeysiga sharcidarada ah ka wada Biyaha Soomaaliya .

Soomaliya ayaa kamid ah dalalka aan la heyn ciidamo Tayo wanaagsan oo ka qeyb qaata Ilaalinta Biyaha Soomaliya , waxaa jirey kadib burburkii dalka ka dhacay Hub sharcidaro ah  oo lasoo marinayay Biyaha Soomaliya, iyo kaluulamaysi ay sameenayeen dalalka Yurub.

IMG_9412 IMG_9437 IMG_9443 IMG_9464 IMG_9465 IMG_9466-1 IMG_9485

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here