Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlay Laanta afka soomaliga ee Voa-da ayaa sheegay in dalka uusan saameyn ku yeelan doonin howlihii Hey’adda Nile Academy ka waday Soomaaliya, kadib markii Golaha Wasiirada u qabteen in 7-maalmood dalka uga baxaan.
Wasiir C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa tilmaamay in halkooda laga sii wadi doono howlihii Nile Academy ka waday soomaliya islarmarkaana dowladaha walaala ah ee Soomaliya iyo turky-ga ay kawada hadleen sidii maamul cusub loogu magacaabi lahaa Hey’adda Nile Academy.
“Go’aanka Golaha Wasiirada wuxuu ahaa in 7 maalmood Gudahooda ay dalka uga baxaan shaqaalaha Hey’adda Nile, dabcan cida bedeleysaa waa laga tashtay, qorshaheedana horay ayuu u jiray, dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya arrintaas meel baa wax uga yaaleen”ayuu yiri Wasiir Odawaa oo la hadlayay Idaacada VOA.
Hadalka wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa kusoo beegmaya xili shalay shir deg deg ahaa ay yeeshteen Golaha wasiirada ay isku raaceen in gabi ahaanba la joojiyo Howlihii Hey’adda Nile Acadamy ka waday Soomaaliya, kadib markii la ogaaday In Hay’ada ay maamulaan qaar kamid ah Hogaamiyaashii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee dalka turkey-ga ka dhacay.

