Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo Jeeda Deegaanada Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbda Hoose waxa ay ku Yeesheen Shir ay kaga soo horjeedaan ka Sii mid ahaan Shaha Maamulkaas.
Siyaasiyiintaan iyo Odayaashaan oo Beel ahaan ka soo Jeeda Beesha Shiikhaal oo ka mid ah Beelaha Maamulka Galmudug ee Daga Gobalka Mudug ayaa Shir ay ku Yeesheen Magaalada Kismaayo oo ay ka soo qeyb galeen Madax sare oo ka tirsan Maamul Gobaleedka Jubbaland uu kamid ah Madaxweyne ku-xigeenka Kowaad ee Maamulka Maxamuud Sayid aadan wax ay kaga Dhawaaqeen inay iskaga Baxeen Maamulka Galmudug islamarkaana ay si toos ah ugu Biireen Jubba-land ka Dib Dhaliilo ay ka tirsadeen Awood qeybsiga Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Wasiir Ku Xigeenkii Hore Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug C/samad Yuusuf Cilmi oo Khilaaf Siyaasadeed uu kala Dhexeyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guulleed Islamakaana ka mid ah Siyaasiyiinta horkacaya Shirka Kismayo ka furmay ayaa Idacaada Simba u Sheegay in lugu go,aamiyey inay iskaga baxaan Maamulka Galmudug islamarkaan ay si toos ah ugu Biirayaan Maamulka Jubbaland.
“Anaga Madoonayno Ku raasta aan beel ahaan ku leenahay Maamulka Galmudug maxaa yeelay qaar ka mid ah Bulshada Beesha Shiikhaal Ma dagaan Deegaanada Gobalada Dhexe Sidaas darteed Ugaas,Waxgarad iyo Aqoonyahanano, waxay isku raaceen in Kuraastii aan kula hayn Maamulada Koofur Galbeed iyo Galmudug in Jubbaland naloogu soo wareejiyo Dowlada Dhexe iyo Beesha caalamkana waxaa ugu baaqaynaa in ay nala ogaadaan in Kismaayo Taladeena laga go’aamin doono hada wixii ka danbeeya ayuu yiyi” Wasiir Ku Xigeenkii Hore Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Galmudug.
Siyaasiga C/samad Yuusuf Cilmi ayaa iska Casilay Xilkii Wasiir Ku Xigeenkii Hore Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Galmudug ka Dib Khilaaf Siyaasadeed uu soo kala dhaxgalay Asaga iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guulleed, wuxuuna haatan kamid yahay madaxda u ololaynaysa in ay kabaxaan maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

