Wasiir Qarjab:-“Waan ka Warqabnaa Nabadgalyo Darada uu Maamulka Somali-land kawado Gobolada Sanaag iyo Haylaan”,

0

Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa digniin u direy Maamulka Somali-land taasi oo ku aadan nabadgelyo darro oo uu sheegay in Maamulka Somali-land uu kawado Gobollada la isku haysto ee Sanaag iyo Haylaan.

Wasiirka amniga ayaa sheegay Puntland inay si dhow ula socota dhaq dhaqaaqyada maamulka Somali-land kawado labadaas Gobol iyo deegaano hoos yimaada ,isagoo sheegay Puntland inay ka hortagayso tilaabo kasta oo maamulka Siilaanyo uu hogaamiyo uu ku doonayo  in uu kula wareego Gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Hadalka Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan maamulka Somali-land uu sheegay in Gobollada la isku haysto ee Sanaag iyo Haylaan, ay kamid noqon doonaan goobaha laga qaadi doono codbixinta Doorashooyinka Somali-land.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here