Xili dalka Turky-ga uu ka dhacay isku day afgambi oo dhicisoobay ayaa dowlada Turky-ga waxa ay baahisay Magaca Saraalka Hogaaminayay afgambigaas.
Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa soo bandhigtay magacaga Sarkaalka hogaaminayay isku daygii afgambi ee dhicisoobay, kaasi oo Magaciisa lagu sheegay Colonel Muharrem Kose oo kamid ah saraakiisha ciidamada dalka turkey-ga.
In ka badan 754 askari ayaa lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen qorshaha afgambiga dhicisoobay ee ka dhacay dalkaas, Laamaha amaanka dalka Turky-ga ayaa wakaalada wararka Turky-ga Anadolu u sheegay in xabsiga la dhigay dhamaanba askarta.
Colonel Muharrem Kose ayaa waxaa horay looga eryay ciidamada, kadib markii lagu helay inuu taageero wadaadka Fethullah Gulen, kaasoo dowladda ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambiga.
Dhanka kale waxaa hawada dib ugu soo laabtay Telefeshinka Qaranka Dowlada Turky-ga kaasi oo ay hawada ka sareen Ciidamada damacsanaa Afgambiga.

