Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Oo ka Mid ah bahda TV-ga Horn Cable islmarkaana Mudo ku Xirnaa Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Idacaada Simba ee Magaalada Muqdisho waxa uu Faah-faahin ka siiyay Sida uu u Arko Xariga loo Geystay iyo Sidii loola Dhaqmay intii uu ku Xirnaa Xabsi ku yaala Magaalada Jigiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo hada ku Sugan Magaalada Tog Wajaale ayaa Sheegay in Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu Amar ku Bixiyey in Xabsiga laga siidaayo kabib Dadaalo badan oo ay Sameeyeen Bahda TV-ga Horn Cable iyo Suxufiyiinta Soomaaliland.
Wariye Mukhtaar oo sii hadlayey Sheegay in aysan jirin Wax Dhibaato ah oo loo geystay Mudadii uu ku Xirnaa Xabsiga, Marka laga Reebo in Maxbuus laga Dhigay oo Xoriyada laga Qaaday Waxa uuna Xusay in uu ku Faraxsan yahay in Dib Xoriyadiisa uu u helo Maalmo badan kadib.
Xariga Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim ayaa waxaa si kulul u Cambaareeyay Dhamaan Bahda Saxaafada Guud ahaan Gayiga Soomaaliya oo ku Tilmaamey Mid Sharci daro ahaa.

