Dhagayso:- Sidee Ayay Dowlada Itoobiya Ula Dhaqantay Wariye Mukhtaar Nuux

0

Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim Oo ka Mid ah bahda TV-ga  Horn Cable  islmarkaana Mudo ku Xirnaa Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Idacaada Simba ee Magaalada Muqdisho  waxa uu Faah-faahin ka siiyay Sida uu u Arko Xariga loo Geystay iyo Sidii loola Dhaqmay intii uu ku Xirnaa  Xabsi ku yaala  Magaalada Jigiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wariye  Mukhtaar Nuux Ibraahim oo hada ku Sugan  Magaalada Tog Wajaale ayaa Sheegay in Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar  uu Amar ku Bixiyey in Xabsiga laga siidaayo kabib Dadaalo badan oo ay Sameeyeen Bahda TV-ga  Horn Cable iyo  Suxufiyiinta Soomaaliland.

Wariye  Mukhtaar  oo sii hadlayey Sheegay in aysan jirin Wax Dhibaato ah  oo loo geystay Mudadii uu ku Xirnaa Xabsiga, Marka laga Reebo in  Maxbuus laga Dhigay oo Xoriyada laga Qaaday Waxa uuna Xusay in uu ku Faraxsan yahay in Dib Xoriyadiisa uu u helo Maalmo badan kadib.

Xariga Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim  ayaa waxaa si kulul u Cambaareeyay Dhamaan Bahda Saxaafada Guud ahaan Gayiga Soomaaliya oo ku Tilmaamey Mid Sharci daro ahaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here