Wada hadallo u dhexeeya Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa ka bilaabanaya dhawaan deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag oo maalmihii dambe ay ka taagneyd Xiisad colaadeed oo u dhexeysa Labadaasimaamul taasi oo saameyn ku yeelatay dad badan oo reer mii ah.
Sida uu Idaacadda Simba u sheegay Maantoo Jimco ah Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Maamulka Puntland Maxamed Ismaaciil Ciyoon waxaa Maalmaha Soo socda ka furmaya Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Wada hadaladaasi lagusoo afjraayo dagaalada mudada ka jira deegaanada hoostaga Gobolka Sanaag ee u dhexeeya Maleeshiyaadka kala taabacsan labada Maamul ee Puntland iyo Soomaaliland.
Waxaa uu sheegay in gogoshan nabadeed ujeedkeedu tahay sidii nabad islaaxda looga gaari lahaa Colaadaha dhibaatada ku ah dadka Rayidk ah ee ku nool deegaanada labada Maamul isku haystaan.
Deegaanno badan oo ku yaalla Gobolka Sanaag ayaa waxaa muddo ka jirta Colaad daba dheeraatay oo u dhexeysa Ciidama iyo maleeshiyaad kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.
Halkaan ka dhageyso Codka Guddoomiyaha.

