Dhageyso:-MD Xasan Sheekh:”Nadaafadda Caasimadda Muqdisho way soo Xumaaneysaa”.

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hdlay arimaha la xariira Nadaafadda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xilligaan Nadaafad darro tii ugu xumeyd ay ka jirto Magaalada Muqdisho degmooyinkeeda Kala duwan taasi oo uu ku sheegay in ay ka dhalatay kadib markii ay ka gabiyeen Maamulka Gobolka iyo kuwa degmooyinkuba wax ka qabashada arintaan.

Xasan Sheekh Waxaa uu sheegay in waqtiyo ka hor Magaalada Dhanka Nadaafadda ay ka joogtay meel heer sare ah balse hadda ay hoos u dhacday Nadaafadda Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay waddooyinka Qashinka dhooban iyo waliba meela kale oo muhiim ah oo qashinku dhoobanyahay taasi oo ay ka dhalankaraan cudurro.

Maamulka Gobolka Banaadir ayuu ku amray Madaxweynaha dalka inuu qaado tillaabo muhiim ah oo wax looga qabanaayo Nadaafad drrada haatan ka jirta Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo Xasan sheekh uu sheegay in sumcad xumo ku tahay Magaalada Muqdisho ceebtii ka timaaddana uu qayb ku yeelanayo Maamulka Gobolka.

Dhageyso Codka Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here