Nin lagu Tuhmayo Al-shabaab oo weerar Ku Dilay Saraakiil ka Tirsan Booliska Kenya.

0

Inta la xaqiijiyey 6-ruux ayaa ku geeriyootay tira intaa ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii maanta nin hubaysan uu weerar ku qaaday saldhig booliska Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Kapenguria oo ku yaalla Galbeedka dalkaasi gaar ahaan xudduudka uu la leeyahay dalka Uganda.

Weerarku goobta uu ka dhacay ee Saldhigga ah ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen Saraakiil Booliska ah oo uu ku jiray Taliyaha Saldhigga la weeraray oo lagu magacaabo Vitalis Ochido,isaga iyo 5-sarkaal oo kale oo katirsan Saraakiisha Booliska ayaa ku dhintay goobtaas iyadoona ay jiraan dad kale oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Saldhigga la weeraray kuwaasi oo u badan Askartii ku sugnaa halkaasi.

TV-ga Dowladda Kenya Wararka u baahiya ee KTN ayaa baahinaya geerida Lix Sarkaal oo Taliyuhu ku jiro iydoona wali la la’yahay Saraakiil iyo Askar kale oo loo maleeynaayo in iyana la dilay,waxaana Muddo ninkii weerarka qaaday uu haystay qaar badan oo ka mid Qolalka Saldhigga oo uu midba mar kala dagaalamayey Ciidanka kusugnaa goobta uu weeraray,Sidoo Kale Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganeysa Afhayeen u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegeysa in Ciidanku Saldhigga dib u qabsadeen kadib markii in muddo ah uu ruuxii weerarka fuliyey uu ku ka dhax dagaalamayey,Walina waxaa rasaas laga maqlayaa Saldhigga dhaxdiisa oo loo maleynaayo inuu ku jiro ruuxii weerarka ahaa.

Dowladda Kenya oo weerarkan ka hadashay ayaa tilmaamtay in ninka saldhigga weeraray oo magaciisa ay kusoo gaabisay Cumar uu ka tirsanyahay Xarakada Al-shabaab uuna u qaabilsanaa qoridda dhallinyarada Kenyaanka ah ee ku biirta Xarakada Al-shabaab,Maalin ka horna ay gacanta ku dhigeen isagoo la raadinayey hasa yeeshee uu ka baxsaday Ciidanka Saakana isagoo hubaysan uu weerar ka fuliyey Saldhiggii uu ka baxsaday

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here