Deg:Deg:-Gaari Qarax Siday oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho+Faah-faahin dheeri ah oo laga helayo.

0

War goor dhaw soo gaaray Warqabadka Warbaahinta Simba ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ku qabteen gaari sida la sheegay laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo la doonayay in lagu weeraro mid ka mid ah hotelada magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Laamaha ammaanka Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo ay soo xiganeyso Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Ciidanka NISA ay gacanta ku dhigeen Gaariga iyo ruux watay sida uu hadalka u yiri.

Waxaa uu intaa ku daray Afayeenku in ninka waday Gaariga ay ciidamadu Gacanta ku dhigeen uu damacsanaa in uu weeraro Hotelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho oo shir uu ka socdo.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo ay Xalay Ciidanka NISA ee Soomaaliya ay ku qabteen deegaanka Ceelasha biyaha Gaari la sheegay in lagasoo buuxiyey walxaha qarxa waxaana Dowladdu ay sheegtay in gawaaridaasi ay lahaayeen Al-shabaab sida hadalka ay u dhigtay ayna ku doonayeen in ku weeraraan Xarumo Dowladeed iyo goobo kale oo Hotello ay ku jiraan,balse Ciidanka Nabad-sugidu ka hortageen intaan lagu fulin falalkii loosoo qorsheeyey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here