Dhageyso:-Dagaal Qasaare Geystay oo Maanta Ka dhacay Gobolka Baay.

0

Warar Maanta nagasoo gaaraya deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii halkaa ay dagaal ku qaadeen Ciidama ka tirsan Xarakada Al-shabaab Waabarigii hore ee Saaka waxaana wixii intaa ka dambeeyey xoogeystay dagaalka u dhexeeyey labada dhinac,waxaana dagaalk dib kagasoo biiray Ciidamada Ethiopia eek u sugan deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Baay.

Saraakiisha Maamulka Koonfurgalbeed ayaa u sheegay Idaacadda Simba in Al-shabaab dagaalka Maanta ay l galeen ay qasaare xooggan ku gaarsiiyeen siay hadalka u dhigeen,askar badan ay ka laayeen,gaadiid baddanna ay ka gubeen walina ay kusii raadjoogaan kooxo ka tirsan shabaabkii weerarka ku qaaday deegaankaasi oo wali ku dhuumaaleysanaya duleedka deegaanka Goof-gaduud ee gobolkaasi Baay.

Maxamed Xuseen Isxaaq oo ah Taliye-ku xigeenka ciidamada gaarka ah ee Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya ayaa u sheegay Radio Simba in Ciidamadooda ay iska caabbin xooggan ay kala hortageen Al-shabaabkii Weerarka geystay islamarkaana qasaare xoog leh ay gaarsiiyeen,walina mararka qaar la maqlaayo rasaas kooban oo sida uu sheegay ay soo ridayaan ciidamo ka tirsan Alshabaab oo ka baxsaday intii dagaalku socday,qasaaraha dhankooda soo gaaray ayuuna ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here