Afayeenka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya jooga oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyey Warbahinta Simba ee muqdisho ayaa ka hadlay arimaha amanka iyo dorashoyinka dalka
Afhayenka oo Simba ay weydisay ugu horeyn wararka la xariira Ka bixidda Ciidamada AMISOM ee magalada Marka ee xarunta Gobolka Shabelada hose Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo kusugnaa halkaasi ayaa beeniyay in ay ka baxeen gudaha Magaalada Marka waxaana uu sheegay in iyagu hadda gacanta ay ku hayaan Magaalada islamarkaana uu Been abuur yahay warkaasi Ciidamaduna ay wataan howlihii caadiga ahaa ee ay hayeen sida uu yiri.
Sidoo kale Afhayaenka ayaa beeniyay in ay ka war hayaen in Alshabab weerar ay kusoo yihiin Magaalada sidaasna aysan keenin ka bixiddooda Marka xilli warar arintaa sheegaya ay soo baxayeen.
Afayenka ayaa sido kale Ka hadlay howlgalada iyo dagaalada ay kula jiran Alshabab,Waxaa uuna tilmamay in AMISOM ay diyaar u tahay soo afjaridda dagaalka ay kula jiran shabaab ka hor xiliga ay ka baxayaan Soomaaliya intaan la gaarin oo ku beegan sannadka 2020-ka.
Ciidamada AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa lasoo sheegayay in magaalada Marka ay faarujiyeen iyaga iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ka dibna ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

