Javier Mascherano oo la Xaqiijiyay in uu Ciyaari doono kulanka Clasico

0

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Bercelona Javier Mascherano ayaa lagu ganaaxay Labo kulan waxaana loo ogalaaday in uu ciyaaro kulanka weyn ee Clasico oo bishaan dhacaya

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Argentine ayaa dhawaan kaarka Guduudan loo Taagay kadib markii ay kooxda Barcelona ay ka adkaatay kooxda Eibar kulamada Horyaalka dalka Spain

Kulanka Clasico ayaa ka dhici doono garoonka Santiago Bernabeu Novermer 21-keeda waana mid kamid ah kulamada Ugu xiisaha badan markii la eego kubada cagta

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here