Baarlamanka Soomaliya oo Maanta ka dooday Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Shirkadaha Shisheeye

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia Ayaa Kulan Ay Maanta ku  yeesheen Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho  Waxa ay kaga hadleen Arimo Dhowr Ah.

Kulankii Maanta waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka baarlamanaka Somalia Mudane Jeylaaani Nuur Iikar waxaana kasoo qeyb Galay Tiro xildhibaano ah

Ugu horeeyn Waxaa Baarlamaanka horteeda  isku Casilay Ex-Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo kamid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia Waxaana Xilkaasi uu ku wareejiyay Wiilkiisa Abshir Xasan Abshir Faarax

Dhinaca Kale Xildhibaan-ka Cusub  ee Abshir Xasan Abshir Faarax  Ayaa isla Maanta lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka Ee Magaalada Muqdisho

Xildhibaanada baarlamaanka Somalia Ayaa Waxa ay guda galeen ka doodista Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Shirkadaha Shisheeye waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia u Sharaxay Xildhibaan Cabdulaahi Xasan Cuunka.

Kalfadhigaan 7-aad Ee Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia waxaa  Baarlamaanka Somaliya Horyaala Ansixinta  Ajandayaal kala duwan  waxaana qeyb ka ah Ansixinta hindise Sharciyeedka Ladagaalanka Argagixisada iyo Ajandayaal kale oo kala duwan .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here