Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya ayaa ka warbixiyay diyaarad xamuul ah oo Maanta kusoo dhacday qeybo kamid ah Degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose
Afahayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose Maxamed shiino oo wareysi Gaar ah siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay In ay jirto diyaarad Maanta kusoo dhacday qeybo kamid ah degmada afgooye ee Gobolka shabeelaha Hoose soo dhicisteeda ayuu u aaneeyay roobab ka da’ayay qeybo kamid ah Gobolka shabeelaha Hoose
Dhanka kale Afahayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya Maxamed shiino ayaa Tilmaamay in diyaarada ay ka burburtay labo kamid garbaheeda
Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ma uusan shaacin Halka sida Rasmiga ah loogu leeyahay diyaarada Maanta kusoo dhacday qeybo kamid ah degmada agooye ee Gobolka shabeelaha Hoose
Goobta ay ku soo dhacday diyaarada ayaa haatan la geeyay ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo Kuwa Midowga Africa ee amisom si ay amaanka diyaarada ay u sugaan
Dhawaan ayay aheyd Markii diyaarad sidaan oo kale ah ay kusoo dhacday Gobolka shabeelaha Hoose gaar ahaan deeganka Carbiska

