Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay Gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku dileen mid kamid ahaa macalimiinta wax ka dhigayay qaar kamid ah schoolada ku yaala Magaalada baledweyne.
Macalinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Marxuum Maxamed Cabdullahi Xaashi waxaaan la ogeyn sababaha keenay dilkiisa.
Dhanka kale Laamaha amaanka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay isla xalay ayaa gacanta ku dhigay dad loogu shakisan yahay dilka macalin Maxamed Cabdullahi Xaashi.
Magaalada Beledweyne waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay dilka loo geysto dadka indhaha u ah bulshada.

