Korneyl Joe Kibet:- Waxba Kama Ogeyn Qorshihii ay Ciidamada Dowlada kula Wareegeen Deegaanka Runirgood

0

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa iska fogeeyay eedeen kaga timid dhanka saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya oo ku aadan in aysan usoo gurmanin amisom xili ay dagaal kula galeen al-shabaab deegaanka Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Korneyl Joe Kibet, ayaa wuxuu sheegay inaanu Taliska Amisom waxba kala socon qorshihii, ay Ciidanka Dowladda ku galeen deegaanka Runirgood,ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Korneyl Joe Kibet, waxa uu tilmaamay in aan lagu soo wargalinin weerarkii ciidamada dowlada soomaliya horaan kula wareegeen deegaanka Runirgood,ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Iyo dagaalkii ay la galeen al-shabaab.

Saraakiisha hogaaminayso Taliska qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed, ayaa Taliska amisom ku eedeeyay in ay ugu baxeyn balantii aheyd in ay usoo gurmadaan markii ay weerar deegaanka kusoo qaadaan ciidamada al-shabaab.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here