Is bedel Dhinaca Ammaanka oo Laga Dareemayo Garoonka Magaalada Muqdisho +Sawirro

0

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka Garoonka diyaaradaha  Magaalada Muqdisho ee aadan cadde kadib weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee 2-dii bishii February lagu weeraray mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Daallo Airlines.

Dadka doonaya inay ka dhoofaan Garoonka Muqdisho ee aadan Cadde, ayaa waxaa baaritaano kala duwan lagu marsiiyaa qeybo kamid ah  Garoonka, waxaa jira eeyo ka qayb qaata baaritaanada dadka lagu sameeyo sida  dad ka dhoofay garoonka muqdisho ay inoo sheegeen.

baaritaanka 1-aad ayaa dadka lagu marsiiyaa wadada 1-aad ee laga soo galo Garoonka, iyadoo agabyada ay wataana ay uriyaan eeyda loo tababaray ka hortagga qaraxyada, iyo falalka amni daro.

Dhanka kale Baaritaanadan, ayaa waxaa iska kaashada Saraakiisha Nabad Suggida & Booliska ee ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliya, Saraakiisha Maamulka FAVORI oo gacanta ku haya Garoonka Aadan Cadde iyo Saraakiil ka tirsan Amisom.

1462136715dfec4 1462136716f9b38 14621367189ffdd 146213671948e04 146213672000d72 1462136718864a8 1462136720957e8 14621367141270f

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here