Gudoomiyaha Deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay Xasaney Xasanoow isxaaq oo la hadlay Radio Simba ayaa waxaa uu sheegay in hadda dadka ku nool deegaankaasi ay bilaabeen inay ka barakacaan halkaasi ka dib Markii ay kusoo bateen deegaanka weerarada xilliga habeenkii ah ay qaadayaan ciidamada ka tirsan xarakada al-shabaab.
Gudoomiye Xasaneey Xasanow ayaa Waxaa uu sheegay in shacab farabadan oo ka barakacay deegaankaasi ay gaareen Mafgaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay qaar kalena wali ay ku dhibaataysanyihiin Deegaanno kale oo hoostaga Magaalada Baydhaba.
Al-shabaab ayuu ku eedeeyey in markii ay magaalada soo weeraraan ay u geystaan dadka rayidka ah dilal iyo dhac siduu hadalka u yiri isagoona intaa raaciyey in falkii ugu dambeeyey ay u geysteen haweeney ka mid ahayd dadka deegaankaasi ku nool.
Ciidamada dowladda ayuu sheegay inay dhawaan bilaabayaan ka hortagidda weerarada Ciidamada Al-shabaab ay kusoo qaadayaan Deegaankaasi iyo Deegaanada ka ag dhawba.

