
Ciidamada Xarakada al-shabaab ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay saakay weerar xoogan ay ku qaadeen deegaanka.
Warar lagu baahiyay baraha al-shabaab ayaa lagu sheegay in ciidanka al-shabaab ay dileen in ka badan 25 askari oo ciidamada dowlada soomaliya ka tirsanaa waxaana sidoo kale al-shabaab ay sheegeen in ay dileen Col.Saneey Cabdulle oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidankii dowlada soomaliya ee shalay qabsaday Deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada soomaliya oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo shalay ciidamada dowlada soomaliya la wareegeen.
