Faah-Faahin ku Saabsan Dagaalka ka Dhacay Deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0
Militants of al Shabaab ride on pick-up trucks after displaying their weapons on the outskirts of Mogadishu, December 8, 2008. The hardline Islamist insurgent group al Shabaab has taken control of a central Somali trading town after fighting that killed at least 13 people and wounded dozens of others, residents said. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA)

Ciidamada Xarakada al-shabaab ayaa si rasmi  ah ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay saakay weerar xoogan ay ku qaadeen deegaanka.

Warar lagu baahiyay baraha al-shabaab ayaa lagu sheegay in ciidanka al-shabaab ay dileen in ka badan  25 askari oo ciidamada dowlada soomaliya ka tirsanaa waxaana sidoo kale al-shabaab ay sheegeen in ay dileen  Col.Saneey Cabdulle oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidankii dowlada soomaliya ee shalay qabsaday Deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada soomaliya oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Run-irgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo shalay ciidamada dowlada soomaliya la wareegeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here