Warbixin ay maanta soo saartay Hay’adda caalamiga ah ee dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee magaceeda loo soo gaabiyo MSF ayay ku codsatay in la baaro sababihii ay diyaaradaha Mareykanka u duqeeyeen isbitaal ay maamusho oo ku yaalla dalka Afghanistan.
42-ruux oo dad shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarka ay diyaaradaha Mareyakanka ay la beegsadeen isbitaalka ku yaala Magaalada Kunduz ee dalka Afghanistan.
Maraykanka ayaa horay u sheegay in 16 qof oo ka tirsan ciidamadiisa geystay weerarkaas laga qaadi doono tallaabo waafaqsan anshaxa ciidammada, wuxuuna meesha ka saaray in lagu soo oogo dacwo la xiriirta arrintaas.
Pentegonka Mareykanka ayaa sheegay jimcihii aynu soo dhaafnay in weerarkaas uu u dhacay si kama ah isla markaana ay dowlada Mareykanka ay raali-galin buuxda ka bixinayso sida uu u dhacay weerarkaas.
Esmatullah Esmat, oo kamid ah shaqaalaha Hay’adda caalamiga ah ee dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ayaa sheegay in ay ka baqanayaan weerar kale sidaas darteed ay joojiyeen shaqooyinkii ay ka hayeen isbitaal Magaalada Kunduz.

